Ciidamada booliiska ee ismaamulka Migori ayaa gacanta ku dhigay saddex qof oo lala xiriirinaya dil dhacay.
4-tii bishan Shanaad ee May ayaa xarunta ganacsiga ee Chamgiwadu ee deegaanka Rongo lagu dilay Elizabeth Anyango oo 42 sano jir ahayd.
Meydka haweeneydan oo ay ka muuqdaan dhaawacyo mindi loo adeegsaday oo ka soo gaaray dhanka qoorta ayaa laga dhex helay gurigeeda xilli uu booqday qof ehelkeeda ka mid ah.
Taliyaha booliiska ee Rongo Salim Fundi oo xaqiijiyay xarigga tuhmanayaasha ayaa sheegay in Elizabeth oo ganacsato ahayd laga takhalusay xilli habeen ah.
Waxaa uu taliyaha warbaahinta u sheegay in eedeysanayaasha ay hadda ku jiraan saldhigga booliiska oo ay marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Sidoo kale waxaa lagu raadjoogaa tuhmanayaal dheeraad ah oo la rumeysan yahay in ay ka qayb qaateen falka dilka ah.
Mr. Salim Fundi ayaa wacad ku maray in la soo xiri doono cid kasta oo ka dambeysay dilka Elizabeth Anyango .
Waxaa uu shacabka Migori u xaqiijiyay in la qaadaya tallaabooyin degdeg ah oo lagu adkeynaya amniga deegaanka Rongo iyo meelaha kale ee laga soo tabiyay falalka liddiga ku ah xasilloonida.
Taliyaha oo dadweynaha ka codsaday in ay si dhow ula shaqeeyaan saraakiisha ammaanka ayaa xusay in habeenkii ay fulin doonaan roondooyin.