Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay shirka golaha wadatashiga qaranka oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.
Shirkan oo uu daahfuray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad Goboleed.
Madaxda ka qayb galeysa shirka ayaa waxaa ka mid ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ku-xigeenkiisa, Madaxda maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Waxay ka arrinsanayaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa ka maqan oo qaadacay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Den, iyadoo Maamulkaasi dhawaan shaaca ka qaaday inay kalsoonidii kala noqdeen hay’addaha dowladda Soomaaliya.
Haddaba, qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa dareenkooda ku biiray waxa ka soo bixi doona shirkan oo ay Puntland ka maqan tahay.