Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dableey 2 haween ah ku dilay Afghanistan

Dableey 2 haween ah ku dilay Afghanistan

Ciidamada booliska ee dalka Afghanistan ayaa laga soo xigtay rag hubeysan ay toogasho ku dileen labo haween oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa wadankaas.
Ilaa iyo hadda lama garan haybta ragga saaka dilka gaystay.
Sidoo kale weli lama shaacin magacyada xaakiinada halka uu dhaawacmay darawalkii baabuurka ku waday.
Laamaha ammaanka ayaa xusay inay wadaan baaritaano dhacdadan ku aaddan.
Afhayeen u hadlay kooxda Taalibaan ayaa dhankiisa sheegay in dagaalyahannada aynan weerarkan fulin.
Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa dhankiisa bayaan uu soo saaray si kulul ugu cambaareeyay falkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments