DHAGEYSO:Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay dhageysiga kiiska Sayid Cali Daa’uud

0
529

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiska loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud, oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamad, iyadoo maanta maxkamadda ay ka yeelatay fadhigii saddexaad.
Fadhigan oo ahaa kii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka qaybgalay dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.
Maxkamadda ayaa maanta fursadda uga badan siisay qareennada difaaca eedeysanaha, kuwaas oo la siiyay fursad ay ku soo bandhigeen cadeymahooda iyo doodahooda, maadaama horay loo dhageystay xeer ilaalinta qaran oo ay iyadu soo oogtay dacwaddan.
Sidoo kale waxaa maanta maxkamadda ka soo muuqday howlwadeeno iyo dhakhaatiir ka tirsan Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo ay marxuumadda ku geeriyootay, waxaana wax laga waydiiyay qaabka ay ula tacaaleen marxuumadda iyo sida ay ahayd xaaladdeeda.
Eedeysane Sayid Cali oo isna ka hadlay goobta, ayaa dalbaday in aan la siyaasadeyn kiiskiisa, loona eego dhanka cadaaladda oo haddii uu dambe leeyahay la xukumo.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamad oo guddoominayay fadhiga ayaa soo gabagabeeyay dacwadda, isaga oo sheegay inay Maxkamadda dib ka soo saari doonto xukunkeeda Kiiskan.