Hoggaamiyaashii siyaasadeed ee hore ee gobolka Waqooyi Bari oo shir ku yeeshay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay ka arrinsadeen xoojinta midnimada iyo la shaqeynta mas’uuliyiinta hadda xilalka haya si xal loogu helo caqabadaha dhanka horumarka iyo amniga ee ka jira gobolka.
Barasaabkii hore ee Garissa Cali Bunow Qorone ayaa sheegay in ujeedka isku imaatinkooda uu ahaa u ololeynta danaha gobolka.
Senatarkii hore ee dowlad deegaanka Mandera Maxamad Macallin Maxamuud(Muumat) oo faahfaahin ka bixinaya shirka ay yeesheen ayaa yidhi.