Guddoonka golaha shacabka Soomaaliya oo iclaamiyay fadhi gaar uu kula hadlayo Farmaajo

0
480

Guddoonka Golaha Shacabka oo uu wakhtigoodu dhammaday ayaa iclaamiyay fadhi gaar ah oo aan caadi ahayn oo maalinta Sabtida 1-da bisha Shanaad ee May ee sanadkan ay yeelanayaan Xildhibaannada.
Fadhigan aan caadiga aheyn ayaa waxaa Golaha Shacabka kula hadlaya MD Farmaajo, si uu ugu sheego inuu dib loogu noqonayo heshiiskii doorashada ee 17-kii September ee sanadkii, islamarkaana looga laabto muddo kororsigii labada sano.
Xildhibaannada dalka dibadiisa ku sugan iyo kuwa gobollada dalka ku maqan ayaa la faray inay si degdeg u soo galaan Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhiga aan caadiga ahayn ee maalinta Sabtida.