Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Atwoli oo eedeyn u jeediyay William Ruto

DHAGEYSO:Atwoli oo eedeyn u jeediyay William Ruto

Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa uga digay taageerayaasha siyaasadeed ee xulafada la ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto inay ka qoomameyn doonaan taageerida ay u muujinayaan.
Atwoli ayaa ku andacoonayaa in Ruto u yahay shakhsi dano gaar ah leh islamarkaana haatan uu iska dhigaya qof fiican balse marka uu xukun qabto u ka hor imaan doona dadka hadda garabka u muujinaya.
Hadalka ayuu ka jeediyay deegaanka Rabai ee ismaamulka Kilifi.
Madaxa ururuka shaqaalaha ee COTU ayaa dhanka kale ugu baaqay barasaabyada ismaamullada gobolka Xeebta inay samaystaan xisbi siyaasadeed oo matala una ololeeya danaha dadkooda.
Waxaa u difaacay hadalkii madaxweynaha dalka ee ahaa in uu meerto noqdo hoggaanka ugu sarreeya dalka
Mr .Atwoli ayaa xusay in ay wareegto noqoto jagada madaxweynaha ay meesha ka saareyso qowmiyadaha saluugsan warbixinta BBI sidoo kale xallineysa rabshadaha dhaca doorashada ka dib.
Waxaa uu ku gacanseyray hadallada ku xigeenka madaxweynaha ee ah in dadka danyarta ah in dowladda xigta ay ayaga soo dhisi doonaan taas oo uu sheegay in dalka ay dib u dhac u horseedi karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments