Warbaahinta Aljazeera ayaa cambaareysay go’aan ay qaateen golaha wasiirrada ee Israa’iil.
Tani ayaa timid ka dib markii ay xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda Ra’ iisul Wasaare Benjamin Netanyahu codeyn ay sameeyeen ka dib isku waafaqeen in warbaahinta caalamiga ee Aljazeera aynan ka sii shaqeyn gudaha Israa’iil.
Amarkan ayaa si degdeg ah u dhaqangalaya sida uu sheegay wasiirka isgaarsiinta ee Israa’iil.
Hasa ahaate maamulka warbaahinta Aljazeera oo tallaabadaasi ka falceliyay ayaa ku tilmaamay fal dambiyeed ku xadgudbaya xuquuqul aadanaha.
Codeynta golaha wasiirrada ee maanta ayaa timid ka dib markii baarlamaanka Israa’iil uu ansixiyay xeer oggolaanaya in si ku meel gaar ah loo xiro warbaahinta shisheeye ee loo arko kuwo khatar ku ah amniga inta uu socdo duullaanka militariga ee ka dhanka ah ururka Xamaas ee dalka Falastiin.