Ingiriiska oo Kenya ugu deeqay 140 milyan oo shilin

0
317

Safaaradda boqortooyada Ingiriiska ee magaalada Nairobi ayaa dowladda Kenya ugu deeqday lacag dhan 140 milyan oo shilin.
Taageeradan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa dadaallada gurmadka ee ka dhanka ah saameynta fatahaadaha.
Waxay safaaraddu maanta shaacisay in tani ay fududeyn doonto in lacago caddaan ah la siiyo qiyaastii 6,900 oo ah qoysaska ku nool ismaamullada ay saameynta ugu daran soo gaartay.
Dhaqaalahan ayaa lagu wareejinaya hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF.
Wakiilka UNICEF ku matasha dalka , Shaheen Nilofer ayaa sheegtay in ay sidoo kale fidin doonaan adeegyada degdegga ah ee loo baahan yahay ee caafimaadka, nafaqada iyo faya-dhowrka .
Hay’adda ayaa xaqiijin doonto in qoysaska daadadka ku barakacay ay helaan biyo nadiif ah iyo agabka nadaafadda.
UNICEF ayaa sidoo kale qaadi doonto tallaabooyin looga hor tagaya cudurka daacuunka.
Danjiraha Ingiriiska ee Kenya Neil Wigan, ayaa xaaladda fatahaadda ee ka jirta dalka ku tilmaamay mid qalbi-jab ah.
Waxaa uu sheegay in ay Kenya garab taagan yihiin xilligan adag oo ayna sii wadi doonaan in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adda UNICEF, dowladda iyo saaxiibbada kale si loo sameeyo wax kasta oo suurtagal ah oo door looga qaadanaya falcelinta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegtay in la rajeynaya in roobabka ay sii da’aan bishan Shanaad oo dhan.