MD Farmaajo oo caawa khudbad u jeedin doona shacabka

0
470

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha muddadiisa afarta sano ay dhammaatay ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu a warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka.
Saacadihii lasoo dhaafay xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayay Magaalada Muqdisho, islamarkaana waxaa laga barakacay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir, kadib markii dadka ay dareemeen cabsi dagaal.