DHAGEYSO:Booliiska Soomaaliya oo war kas oo saaray arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya

0
373

Waxaa saacadahii la soo dhaafay hadal heyn badan ay ka dhalatay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo la xariiray in amar ka soo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho dib looga saarayo meydadkii ku jiray.
Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Cabdifataax Xasan Aadan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa arrintaasi ku sheegay inay tahay mid been abuur ah oo waxba kama jiraan ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in cidii dooneysa inay la baxdo dadka uga aasan qabuurahaasi ay xor u yihiin inay la baxaan, hayeeshee aysan jirin wax kale oo culeys ah.

Hadalka ka soo yeeray afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay qabuuraha Iskuul buluusiya laga saaray meydad uu ka mid yahay meydka Alle ha u naxariiste Jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo lagu aasay qabuuraha Iskuul Buliisiya sanadkii 2021-kii.