Barakac xooggan oo maalintii labaad ka socda magaalada Beledweyne

0
413

Waxaa sii kordhaya dadka isaga barakacaya qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ka dib daadad ka dhashay roobab saacado badan ka da’ay gudaha iyo daafaha magaaladaasi oo ku soo rogmaday xaafadaha qaar.
Meelaha wali ay ka socdaan barakaca xooggan ayaa ka mid ah xaafadda Kooshin, gaar ahaan laamaha Raadeerka iyo Kutiimbo oo ahaa meelaha sida weyn ay u saameeyeen daadadka ku soo rogmaday gudaha magaalada Baledweyne.
Qoysaska maanta ka barakacaya xaafadahaasi ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay intooda badan ku dhex go’doonsana guryahoda, maadama ay heli waayeen jaanis ay uga soo dhex baxaan daadadka ku soo rogmaday xaafadahooda.
Ugu dambeyntii, dadka reer Baledweyne oo markii hore ku dhib qabay Fatahaadda wabiga Shabeelle uu sanad walba ka sameeyo gudaha magaaladaasi ayaa haatan waxaa ugu sii darsoomay inay barakacaan xilli roobaad walba, maadama daadad ay ku soo rogmanayaan qaar ka mid ah Xaafadaha Beledweyne, mana jirto xilligaan wax dadaallo ah oo ay wadaan madaxda maamullada ku wada sugan Beledweyne ee kala ah Hiiraan State iyo Hirshabeelle oo ku aadan sidii looga hortaggi lahaa fatahaadaha.