Hodan Cabdiraxmaan Barkhadle oo lagu aasay Nairobi

0
532

Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu aasay Alle ha u naxariistee Hodan Cabdiraxmaan Barkhadle oo ahayd gabadh caan ka ah baraha bulshada.
Marxuumadda ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Madoogaashe iyo ismaamulka Isiolo shalay duhurkii, xilli ay safar u ahayd Nairobi.
Geerideeda ka dib ayaa waxaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay dadka aad u hadal hayeen dhimashadeeda.
Sidee wax u dhaceen?
Ubax Cabdiraxmaan Barkhadle oo ah gabadh la dhalatay Hodan ayaa sheegaty in walaasheed ay maalmo ka hor magaalada Garrisa u tagtay si ay uga qayb gasho aroos ay lahaayeen dad ay qaraabo yihiin.
Waxaa ay intaasi ku dartay in markii ay shalay safarkii ka soo laabatay oo ay ku soo jeeday Nairobi ay gaarigii ay wateen uu maray waddo aan ahayn tii caadiga ahayd maadama waddooyiinka uu roob gooyay sidaasina ay shil ku galeen.
“Hodan waxay ku dhimatay shil gaari safar yar oo gaaban ayay gashay oo waxay ay aaday aroos ay qabeen qoyska markii ay soo dhameysteen oo ay ka soo laabanaysay ayaa waxaa jiray waddooyiinka oo dhan baa xirnaa roobab ayaa jiray marka waddo kale ayay mareen ka dib gaari kale ayaa ka hor yimid halkaasi oo ay shilka ku galeen oo ay ku dhimatay,” ayay tiri Ubax .
Shilka ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray 2 qof oo kale.
Waa Tumaa Hodan?
Hodan Cabdiraxmaan Barkhadle oo caan ka ahayd baraha bulshada gaar ahaan aaladda Tiktoka ayaa waxaa muddooyiinkii u dambeeyay ay ku nooleyd magaalada Nairobi.
Hodan ayaa sida ay walaasheed Ubax sheegtay waxay sanadkii 1993-dii ku dhalatay gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Waxay dhanka waxbarshada ka gaartay ilaa dugsi hoose dhexe oo ay ka dhigatay magaalada Mandera ee Waqooyi Bari Kenya.
Ubax ayaa tiri in walaasheed ka dib ay u soo wareegtay Narobi si ay dugsi sare uga billowdo, halkaa ayayna bulshada iyo baraha bulshada ka soo gashay, ayay sii raacisay
Hodan iyo baraha bulshada
Hodan ayaa Alle ha u naxariistee waxaa aad caan uga ahayd barta Tiktok waxaana cinwaankeeda Tiktok ku xirnaa dad kor u dhaafaya 500,000 oo qof.
Alle ha u naxariistee waxay billowday barteeda Tiktok dhowr sano ka hor islamarkana waxaa si lama filaan ah kor ugu kacay markiiba dadka ku soo xirmayay cinwaankeeda.
Markii ay barta Tiktok ku soo biirtay waxay soo dhigi jirtay ruwaayado iyo majaajilo kooban oo ay dadka si aad ah u jecleysan jireen.
“Waxyaabihii ay soo gudbin jirtay kow waxay ku billowday mijaajilo iyo ruwaayado yaryar oo goos goos ah iyo wacyigelinta bulshada,” ayay tiri Ubax oo ay Hodan wada dhasheen”
Shakhsiyaddii Hodan
Ubax Cabdiraxmaan Barkhadle ayaa sheegtay in walaasheed ay ahayd qof bashaash ah oo aad u u dhex gasha bulshada.
Waxaa ay intaasi ku dartay in Hodan ay ahayd qofka u yar qoyskeeda islamarkana nolal wanaagsan lagu soo koriyay.
“Waxay ahayd qof ay bulshada aad u jecel yihiin, koritaankeediina waxay ahayd reerka markaas u yareyd nolal qurux badan iyo kolkoolin lagu soo koriyay,” ayay tiri.
Ubax Cabdiraxmaann Barkhadle ayaa farta ku fiiqday in walaasheed ay ahayd mid aad isugu kalsoon oo aan dhibsan qaar ka mid ah magacyadii ay dadka ugu yeeri jireen.
“Xaqiiqdii qof aad isugu kalsoon ayay ahyad waxayna aaminsanayd in abuurki ilaahay waxna laga beddeli karin haddii lagu caayo iyo haddii lagu canaantana waxba uma aysan arkayn oo waxay ka qaadi jirtay qosol iyo qaraaxo” ayay sii raacisay
Ubax ayaa xustay in walaasheed waxyaabaha ay la gaarka ahayd uu ka mid ahaa in ay ahayd gabadh aad baari ugu ah waalidiinteeda.
“Runtii hodan waxay ahayd qof baari ah, qof labadeeda waalid baari u ah ayay ahayd , qof ehelka iyo qaraabada oo dhan baari u ah ayay ahayd,
“Waxaan leeyahay walaalayaal qof kasta oo xurguf dhexmartay ama qof kasta oo wax kq tabanayay waxaan ka codsanayaaa inay iskacafiyaan walaashood maanta way ka hooseysaa” ayay tiri Ubax.