DHAGEYSO:Mudanaha Garissa Township oo dalbaday in la xiro qofkii waday doontii qallibmatay

0
516

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Garissa Township ee ismaamulka Garissa Major Deeqoow Maxamad Barrow ayaa tacsi u diray qoysaska ay ehelladooda ku dhinteen doontii Axadii ku degtay aagga Kona Punda ee Tana River .
Waxaa uu dalbaday in lala xisaabtamo maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KENHA.
Mudanaha ayaa sheegay in bishii Diseembar ee sanadkii hore ay dowladda sare sheegtay in lacag dhan hal bilyan oo shilin dib loogu dhisi doono waddada burburtay balse aan sidaasi la sameyn.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda 8 meydad ah la helay ka dib doontii qallibmatay.
Afar ka mid ah meydadkan ayaa maanta la soo saaray waxaana weli socdo howlaha samatabixinta ee lagu raadinaya qaar ka mid ah dadkii ay doontaasi sidday oo aan weli la hubin in ay geeriyoodeen iyo in ay nool yihiin.
Dhanka kale afhayeenka dowladda dhexe Issac Mwaura ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 169 qof ay ku dhinteen roobabka iyo daadadka sameeyay wadanka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in guud ahaan wadanka lagu la’yahay in ka badan 91 qof oo ay biyaha la tageen.