Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saaka guddoomin doono shirka golaha wasiirrada kaasi oo looga arrinsanaya daadadka wadanka saameeyay.
Arrintan ayuu shalay ka sheegay shirka ururka caalamiga ee horumarka ee (IDA) meertadiisa 21-aad oo lagu qabtay Nairobi.
Ruto ayaa xusay in kulanka maanta diiradda lagu saari doono tallaabooyinka ay dowladdu ku caawinaysa dadka ay saameynta ka soo gaartay fatahaadaha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo afhayeenka dowladda dhexe Issac Mwaura uu shaaciyay in ilaa iyo hadda tirada guud ee dadka gudaha wadanka ugu geeriyooday roobabka da’aya iyo daadadka ka dhashay ay tahay 169 qof.
Waxaa uu xusay in shalay keliya ay geeriyoodeen in ka badan 66 qof.
Waxaa uu intaasi ku daray in Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru laga sameeyay xarun dhexe oo isku duba ridaysa howlaha gargaarka iyo samatabixinta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in shacabka ku nool xaafadaha ay daadadku saameeyeen ee ismaamulka Nairobi lagu amray in ay tagaan meelaha lagu qabto shirarka bulshada.
Madaxweyne ku xigeenka dalka, Rigathi Gachagua oo u warramayay idaacadda maxalliga ee Inooro FM ayaa dhankiisa sheegay in biyo xireenkii Kijabe Dam ee ku soo fatahay Nakuru uu sababay dhimashada 71 qof.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo maanta guddoomin doono shir ku saabsan xaaladda fatahaadaha




