Maleeshiyaad ayaa weerar ku qaaday qoys xoola dhaqato ah oo afur isugu diyaariyey hooygooda oo ku yaala deegaan dhanka galbeed ka xiga degmada Balanbal ee waqooyiga gobolka Galgaduud.
Rasaasta lagu furay qoyskan ayaa sababtay dhimashada afar ka mid ah qoyska halka labada kale iyagoo dhaawac culus qaba la geeyey isbitaalka degmada Balanbal.
Maxamad gabileey oo ka mid ah bulshada Balanbal ayaa qadka taleefoonka dhacdadan ugu faahfaahiyay Cubeyd Xasan Maxamuud oo nooga soo warramo gobolka Galgaduud.