Barakac ka bilowday xaafado ku yaalla degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho

0
578

Barakac ayaa ka bilowday xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka dib markii ay kordheen dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay xaafadahaasi ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.
Waddooyinka magaaladaasi ayaa lagu arkayaa gawaari sida tobannaan qoys oo qaxaya oo wata alaabihii fududaa ee ay kala bixi kareen guryaha, iyagoo tagaya degmooyinka kale ee nabdoon.
Barakaca cusub ayaa bilowday kadib markii ciidamadii mucaaradka ee daganaa agagaarka KM4 ay u wareegeen xaafadda Siigaale ee degmada Hodan, iyagoo garabka ku qabtay ciidanka kale ee dowladda ka soo horjeeda ee fadhiya degmada Howlwadaag.
Ciidamada gaarka ah ee booliska Haramcad ayaa iyana saaka tagay aagagii ay ka baxeen ciidamada mucaaradka ee fadhiyay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, iyagoo halkaa ka qaaday jidgooyooyinkii ay dhigeen labadii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada ka soo horjeeda dowladda.