Musalia Mudavadi oo shir uga qayb galay Zimbabwe

0
117

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa ka qayb galay kal-fadhiga 4-aad ee guddiga iskudhafka ah ee iskaashiga joogtada kaasi oo ka dhexeeya dalalka Kenya iyo Zimbabwe.
Waxaa uu kulanka ka qabsoomay magaalada Harare iyadoo ay kal-fadhiga wada guddoominayeen Mudavadi iyo dhigiisa wadanka Zimbabwe Frederick Shava.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in shirka uu gogol xaar u yahay heshiisyo la filaya in madaxweynaha dalka William Ruto uu dabayaaqada isbuucan ku soo saxiixo magaalada Bulawayo ee Zimbabwe halkaasi oo uu ku tagi doono safar rasmi ah.
Heshiisyada ayaa la xiriira waxbarashada aasaasiga ah, tababarrada iyo cilmi baarista , caafimaadka , urur wadashaqeyn oo laga mideysan yahay , horumarinta aqoonta , gaashaandhigga iyo tababarrada la xiriira , maalgashiga iyo horumarka.
Musalia Mudavadi ayaa sheegay in Kenya iyo Zimbabwe ay awood u yeelan doonaan in dalalka kale ee qaaradda Afrika ay ku daydaan marka is-afgaradyada muhiimka ah la wada saxiixo ka dibna la dhaqangeliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here