Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Washinton ay aad uga walaacsantahay iska hor-imaadyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaala madaxda dalka Soomaaaliya ee Muqdisho.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay xakameeyaan rabshadaha, si nabad ahna ku xalliyaan khilaaftooda, Wadahadal iyo is afgarad ayaa ah dariiqooyinka kaliya ee lagu xallin karo jahawareerka doorashada” ayaa lagu yiri war-murtiyeedkan oo intaas sii raaciyay “Waxaan ku boorrineynaa dhinacyada in ay si deg-deg ah dib u billaabaan wadahadalladii, si loo gaaro waddadii lagu heshiiyay, loona qabto doorasho deg-deg ah”
Mareykanka ayaa mar kale ku celceliyay in ay saari doonaan cuna-qabateyn iyo xannibaad dal kugalka Visa Mareykanka kuwa wiiqaya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Hadalka dowladda Mareykankaa ayaa ku soo aadaya iyadoo ay weli magaalada Muqdisho ka jirto xiisad colaadeed iyo xasillooni darro, taas oo ka dhalatay qaraarkii golaha Shacabka dalkaasi ay muddo kordhinta ugu sameeyeen hay’adaha dowladda.