Musalia Mudavadi oo ammaanay shakhsiyadii taliyihii militariga ee geeriyooday

0
218

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa taliyihii guud ee ciidanka difaaca dalka ee dhawaan ku geeriyooday shilka diyaaradeed, General Francis Omondi Ogolla ku tilmaamay qof aad u dabacsanaa oo aan looga baran isla waynin iyo xaqiraadda dadka kale.
Waxaa uu ku sheegay qof mudan in looga daydo dhanka shakhsiyadda hoggaamiyaha wanaagsan.
Arrintan ayuu ka sheegay munaasabad maamuus ahayd oo shalay loo qabtay Ogolla.
Waxaa uu xusay in taliyihii militariga uu aad uga fiirsan jiray hadalkiisa iyo ficilladiisa.
Mudavadi ayaa carrabka ku adkeeyay in Kenya uu ka baxay hoggaamiye ciidan oo qiimo badan.
Waxaa shilkaasi diyaaradeed oo ka dhacay aagga Keben ee ismaamulka Elgeyo Marakwet ee gobolka Rift Valley ku nafwaayay 9 sarkaal oo kale.
Magacyada saraakiisha kale ee shilka ku geeriyooday ayaa kala ah Swaleh Said, Duncan Keitan ,David Sawe, George Magondu oo duuliye ahaa , Sorah Maxamad, Hillary Butali, John Kinyua, Cliffonce Omondi, iyo Rose Nyawira.
Diyaaradda shilka gashay ee ay ku geeriyoodeen ayaa waxaa lahaa ciidamada hawada ee dalka ee Kenya Air Force iyadoo ay dhacdadaasi ku dhaawacmeen labo kale.