Guddiga beeraha ee baarlamaanka oo kormeer ka sameynaya 16 ismaamul

0
253

Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha beeraha ayaa ku guda jiro kormeer uu ka sameynaya 16 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka.
Xubnaha guddigan ayaa kormeeraya bakhaarrada qaran ee lagu kaydiyo dalagyada ee NCPB.
Waxay dabagal ku hayaan bacrimin aynan tayadeedu gaarsiisnayn heerkii tayo ahaan la doonayay oo la sheegay in beeralay laga iibiyay.
Tani ayaa timid ka dib cabashooyin ka yimid beeralayda oo ahaa in ganacsato ay khiyaano sameeyeen iyagoo bakaarrada NCPB ku wareejiyay bacriminta.
Guddiga arrimaha beeraha ee baarlamaanka ayaa in ay farriimo qoraan ka dalbaday maamulayaasha NCPB, shirkadda qaran ee taya-dhowrka badeecooyinka ee KEBS iyo agaasimayaasha shirkadaha fadeexaddan lala xiriirinaya.
Ismaamullada ay booqdeen xubnaha guddiga arrimaha beeraha ee baarlamaanka dalka waxaa ka mid ah Narok, Bomet, Embu ,Meru ,Kericho, Nakuru, Kirinyaga iyo Kiambu.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay wacad ugu maray in maamulkiisa ay ka go’an tahay in gacanta lagu soo dhigo oo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid kasta oo iyadoo ka faa’iidaysanaysa qiimaha bacriminta ee la dhimay,iskudayday in ay dhagarto beeralayda.