Wiilka taliyihii ciidamada difaaca dalka ee geeriyooday General Francis Ogolla oo lagu magacaabo Joel Omondi Rabuku Ogolla ayaa saraakiisha gaashaandhigga iyo kuwa ammaanka ku boorriyay in ay sii wadaan dadaallada gudaha wadanka looga cirib tiraya falalka argagixisada, burcadda iyo kooxaha kale ee liddiga ku ah xasilloonida guud.
Waxaa uu xusay in tani ay muujin karto ka dhabeynta hiigsigii aabihii.
Waxaa uu sheegay in taliyaha ay dhammaan dadka isku mid u ahaayeen , uu wada qadarin jiray sidoo kalena aad u qalbi wanaagsanaa.
Rabuku ayaa saraakiisha difaaca ee KDF-ta ka codsaday in aynan marnaba ka gaabin gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.