Mombasa:Gabadh 5 sano jir ah oo ku geeriyootay goob lagu dabbaasho

0
261

Waxaa cadaalad dalbanaya qoyska gabadh 5 sano jir ahayd oo lagu magacaabi jiray Umulkheyr Yuusuf.
Gabadhan ayaa ku geeriyootay barkadda lagu dabbaasho ee goobta Buxton Point ee Mombasa.
Xubnaha qoyska ayaa sheegay in maamulka goobtaasi uu muujiyay dayacaad mas’uuliyadeed sidaasi awgeedna ay qasab tahay in lala xisaabtamo.
Maamulaha goobtaasi Aboud Saciid Khaliif ayaa dhankiisa sheegay in arrintan ay hadda hor taalla booliiska oo ay ka war sugayaan warbixinta baaritaannada.
Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Mombasa Aharub Khatri ayaa dhankiisa sheegay in ay kormeer ku sameyn doonaan barkadaha lagu dabbaasho si loo xaqiijiyo badqabka dadka halkaasi tagaya.