Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa wacad ku maray inuu maxkamadda geyn doono dacwad la xiriirta qaabka dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ee wadanka ay u wajahday shaqo joojinta ay dhakhaatiirta ku guda jiraan in ka badan hal bil.
Madaxa LSK, Faith Odhiambo ayaa sidatan sheegtay xilli ay ka jawaabaysay amar uu shalay taliyaha guud ee ciidanka booliiska Japhet Koome siiyay saraakiisha ammaanka kaasi oo ahaa in ay si wayn uga falceliyaan dibadbaxyada dhakhaatiirta.
Faith ayaa wasaaradda caafimaadka ugu baaqday in ay dhakhaatiirta la yeelato wada hadallo wax ku ool ah iyadoo la muujinaya niyad sami ku aaddan in la gaaro xal cadaalad ah.
Waxay wacad ku martay in haddii aan sidan la sameyn, in ururka garyaqaannada dalka ee LSK uu guda geli doono geeddisocod maxkamadeed iyadoo la eegaya danta guud.
LSK ayaa dhanka kale amarkii uu bixiyay Koome ku tilmaantay mid aan laga fiirsan, aan maangal ahayn sidoo kalena sharci darro ah.
Saraakiisha caafimaadka ee ka tirsan ururrada KMPDU, KUCO iyo kuwa kale ee shaqo joojinta ku guda jiro laga soo billaabo bartamihii bishii Saddexaad ee sanadkan ayaa dalbanaya in dowladdu ay si buuxda u dhaqangeliso heshiis gorgortan ku saleysnaa oo la wada saxiixday sanadkii 2017-kii.
Waxyaabaha ay dalbanayaan waxaa ka mid ah in mushaaraadka loo kordhiyo, dallacsiin iyo shaqaaleysiinta ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maray tijaabada shaqo.
Ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa ku adkeysanaya in dowladda ay ardaydan siiso 206,000 oo mushaar billa ah halka ay dowladdu sheegaysa in aynan qiimahaasi awoodin oo ay diyaar la tahay bixinta 70,000 oo shilin.




