Waxaa haatan kulan u socdo Xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Waakiilada beesha caalamka.
Shirka ayaa ku qabsoomay qadka internetka ee Zoomka.
Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlayaan xaaladihii ugu dambeeyay, gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwo Millateri ah oo sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kororsiga.
Safiirrada beesha caalamka ayaa wado dadaallo ay ku joojinayaan dagaalada Muqdisho, iyadoo aysan wali jirin wax wadahadal uu u socda dhinacyada dagaalamay.
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa haatan ah mid degan, walow markasta la filan karo dagaal maadaama dhinacyadii dagaalamay ay weli ku wada sugan yihiin Magaalada Muqdisho.