Baabuurka barasaabka Bomet oo shil galay

0
227

Baabuurka guddoomiyaha ismaamulka Bomet ,Hillary Barchok ayaa la xaqiijiyay inuu shil ku galay aagga Kipsarwet ee bariga dowlad deegaankaasi.
Shilka ayaa u dhexeeyay gaariga rasmiga ah ee barasaabka Bomet iyo mooto sidday qof rakaab ah oo isku dhacay.
Guddoomiyaha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in isaga iyo wadihii mootada ay badbaadeen.
Waxaa ay dhaawacyo fudud soo gaareen qofkii rakaabka ahaa ee ay mootadu sidday waxaana hadda lagu daaweynaya isbitaalka wayn ee Longisa ee Bomet.
Guddoomiye Barchok ayaa bukaanka u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
Waxaa uu dhammaan gaadiidleyda iyo dadka isticmaala waddooyinka ku boorriyay inay mas’uuliyad muujiyaan, ay mar kasta taxadaraan sidoo kalena u hoggaansamaan xeerarka taraafikada si looga baaqsado dhacdooyinka shilalka ah.
Waxaa sidoo kale dhacdadan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee Bartamaha ismaamulka Bomet Musa Cumar Imamai.
Waxaa uu sheegay in markii uu shilku dhacayey uu barasaabka ku wajahnaa xafiiskiisa.
Macluumaadka maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa muujinaya in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay ay shilal ka dhacay gudaha wadanka ku dhinteen ugu yaraan 1,214 ruux.