Madaxii hore ee matxafka qaran oo dacwad lagu soo oogaya

0
116

Waaxda dacwad oogidda wadanka ayaa doonaysa in maxkamadda la soo taago agaasimihii guud ee hore ee matxafka qaran ee National Museums of Kenya, Dr .Mzalendo Kibunja.
Waxaa sidoo kale dacwad wajahaya ilaa afar eedeysane .
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa in ay musuqmaasuqeen 490 milyan oo shilin.
Lacagtan ayaa la sheegay in intii u dhexeysay sanadkii 2015-kii ilaa 2022-kii la siiyay shaqaale been abuur ah.
Afarta eedeysanayaal ee kale ayaa ah Stanvas Ongalo Opijah ,Oliver Okinyi Rabuor,Wycliffe Odhiambo Ongata iyo Oscar Mwaura Wambui.
Sanadkii hore ayay ahayd markii guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC uu shaaca ka qaaday in 2016-kii ilaa 2022-kii, hannaanka mushaar bixinta ee matxafka qaran lagu daray macluumaadka 105 qof oo shaqaale been abuur ah.