Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa guddiga arrimaha tamarta ee aqalka sare ku eedeyay inuu ku hayo bartilmaameedsi siyaasadeed.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay lagu ganaaxay lacag dhan 500,000 oo shilin maadaama uu ku guul dareystay inuu guddiga ka soo hormuuqdo.
Guddiga ayaa doonayay inuu Sakaja ka jawaabo su’aallo la xiriira qaraxii gaaska ka dhashay ee 2-dii bishii Labaad ee sanadkan laga soo tabiyay aagga Mradi ee deegaanka Embakasi.
Waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan 6 qof halka in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa taliyaha guud ee booliiska Japhet Koome ka codsaday inuu soo xiro Sakaja oo uu 25-ka bishan Afaraad hor geeyo guddiga tamarta ee aqalka sare.
Hasa ahaate Sakaja ayaa sheegay in ka soo hormuuqashada aqalka senate-ka ay tahay arrin looga baahan yahay oo dastuuri ah oo uunan fududeysan.
Waxaa uu xusay in sababta uunan shalay u hortagin guddiga tamarta ee senate-ka ay ahayd inuu dalka dibadiisa safar ugu maqan yahay.
Sakaja ayaa cadeeyay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo xubnaha guddiga si faahfaahin badan looga helo qaraxii gaaska ka dhashay ee Embakasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aynan jirin sabab uu uga jawaabi waayo su’aallaha hor yaalla.
Guddoomiyaha Nairobi ayaa aqalka sare ku eedeyay in arrintan uu ka dhigay mid leh xiisad gaar ah.
Waxaa uu tilmaamay in shakhsiyaad kale oo horay loogu yeeray dib loogu sii dhigay waqtiga ay aqalka sare hor tagayaan sababo la xiriira safarro, howlo caafimaad iyo qorshayaal hore oo rasmi ah oo la dejiyay awgood.
Barasaabka Nairobi ayaa sheegay inuu dhowr mar oo hore ka soo hormuuqday guddiyada kala duwan ee senate-ka taasina uu sii wadi doono.
Sakaja ayaa sidoo kale horay ugu guul dareystay inuu hor tago guddiga xisaabaadka ee aqalka sare si uu uga jawaabo su’aallo la xiriira 76 bilyan oo shilin oo loo qoondeeyay intii u dhexeysay 2019 ilaa 2023.
Sidoo kale bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii guddiga arrimaha gaadiidka ee senate-ka uu barasaabka Nairobi Johnson Sakaja dul dhigay ganaax lacageed oo dhan 500,000 waxaana xilligaasi amar lagu bixiyay in la soo xiro.
Home Wararka Kenya Barasaabka Nairobi oo aqalka sare ku eedeyay inuu ku howlan yahay bartilmaameedsi...