Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya QM oo war kasoo saartay dagaaladii ka dhacay Muqdisho

QM oo war kasoo saartay dagaaladii ka dhacay Muqdisho

Bahda Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay isku dhacyadii shalay iyo xalay ka dhacay magaalada madaxda Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa loogu baaqqay dhammaan dhinacyada oo dhan, in ay muujiyaan is xakamayn, si looga baaqsado in isku dhacyadu sii socdaan.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Baaqan ayaa imaanaya xilli ay xaaladda magaalada Muqdisho saaka deggantahay kaddib dagaallo culus oo shalay iyo xalay ka dhacay magaaladaasi.
Qaar ka mid ah waxgaradka magaalada ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan in lagu soo afjaro collaadda.
Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, oo xalay hadlay ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay ka hortageen waxa uu ugu yeeray maleeshiyaad ay soo abaabuleen dadkooda iyo dalkooda u naxayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments