Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa billaabay baaritaano ku aaddan fal uu naftiisa uga takhalusay mid ka mid ah ciidamada booliiska oo ka howlgalayay ismaamulka Laikipia.
Sarkaalka is dilay ayaa lagu magacaabi jiray Andrew Miranyi Gati wuxuuna ka shaqeynayay saldhigga booliiska ee Magutu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydkiisa laga dhex helay gurigiisa.
Waxaa jiro shaki ah inuu isku toogtay qoriga nooca G3 Rifle oo uu ku shaqeynayay.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in Gati uu rasaasta iskaga dhuftay garka hoostiisa .
Waxaa goobta uu falkan ka dhacay laga soo helay qoriga iyo 19 xirmo oo rasaas ah.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in askariga uu is dilo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in bil kasta la diiwaangeliyo ugu yaraan saddex dhacdo oo ay isku dilaan saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.