Mudanayaasha labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulan wadjir ah oo ay cod ugu qaadayaan Dastuurka ku meel gaarka ah inay ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulankan wadajirka ah oo ah mid xasaasi ayaa la filaya in labada Aqal cod ugu qaadaan qodobbo ka mid ah Dastuurka Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo ay diidan yihiin ansixintiisa madaxweynayaashii hore iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.
Wax ka beddelka Dastuurka ayaa waxaa sido kale si weyn uga soo horjeeda maamulka Puntland oo sheegay inuusan marna aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda wax ka beddelka Dastuurka.
Madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an ansixinta qorshaha ay wax kaga beddelayaan Dastuurka ku meel gaarka ah, hayeeshee Madaxweynayaashii hore Shariif iyo Farmaajo ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in kulanka maanta ay ka soo bixi doonto natiijo lasii wada og yahay.
Arrinta wax ka beddelka Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid xiisadeedu ay meel sare mareysay, taas oo ugu dambeyn maanta doodeedu dhinac u dhici doonto, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan.
Xildhibaanada labada Aqal ayaa haatan ku sii qulqulaya xarunta Villa Hargeysa oo lagu wado inuu goordhaw ka furmo kulanka xasaasiga ah ee isha lagu wada haayo.
La soco wixii ku soo kordha warkan.