DHAGEYSO:Rw Rooble oo ka hadlay dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay

0
468

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dhibaatadii dhacday ee lagu khalkhal gelinayay Ammaanka iyo Nabadda caasimadda Muqdisho, isagoo ku baaqay in cid weliba ay Nabadda ka shaqeyso bulshadana u turto.
Waxaa uu faray ciidamada amniga inay gutaan waajibaadka Qaranka oo ay dhowraan amniga shacabka, kana hortagaan khatar kasta oo dhibaato u keeni karta bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxgaradka, culimada, Bulshada rayidka ganacsatads, Haweenka iyo dhallinyarada in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo nabadgelyada Dalkaasi, gaar ahaan Magaalada madaxda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya waxaa shalay Galinkii dambe ilaa xalay ka dhacay iska hor imaadyo hubaysan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo ka soo horjeeda kuwaasoo goobo Muqdisho ka mid ah ku sugnaa.
Goobaha ay dagaalada ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah agagaarka Marinaayada, Xaafada Taleex iyo qaybo kamid ah wadada Maka-Almukarama, waxaana jira khasaare kala duwan oo la sheegay inuu ka dhashaday iska Hor imaadayaasi.
Xaaladda Goobihii iska hor imaadku ka dhacay ayaa Saaka degan, waxaana si teel teel ah u socda dadyow badankood u socda Shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwo xaaladda qiimeeynaya.
Isgoysyada Fagax iyo Taleex oo markii hore ay la Wareegeen Ciidamo Milatari ah oo ka yimid Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa dib ula wareegay Ciidanka Nabad Sugidda iyo Boolis oo ciidamadaas kale dagaal la galay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ayaa Bartiisa Facebook-ga ku soo qoray inay gurigiisa weerareen Ciidmo ka Amar qaada Madaxweynaha Soomaaliya oo uu wakhtigiisu dhammaaday Isla sidaan oo kale Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa isna sheegay in Ciidamo sida uu hadalkiisa u dhigay MD Farmaajo ka Amar Qaatay ay hoygiisa soo weerareen.
Guddoomiyaha Degmada Howl-wadaag ayaa isna ka hadlaya Wararka aan Sax ahayn oo Xalay sheegay inay Ciidamo Militari ah la wareegeen Xarunta Degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here