Wasaaradda amniga Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho

0
404


Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaaladii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo ay jirto xaalad kacsanaan ah caawa ka taagan Magaaladaasi.
Wasiirka Amniga ee xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xudubeey Jimcaaale oo shir Jaraa’id Qabtay ayaa sheegay in Ciidamo hubeysan ay soo galeen Magaalada, kuwaasi uu sheegay in ay qalqal galiyeen amniga guud.
Waxaa uu intaa ku daray in Ciidanka Dowladdu ay ka hotageen weerar uu sheegay in lagu soo qaaday Caasimadda.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay weerar la sheegay in lagu qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa uu sheegay in uusan jirin dagaal lagu qaaday Xasan Sheikh Maxamuud.
Waxaa uu intaa ku daray in arrintaasi ay tahay wax kama jiraan.
Dhanka kale waxaa uu baaq u diray dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo ugu baaqay in aysan ka qayb qaadan dagaalada kasoo cusboonaaday Magaalada ee u dhexeeya Dowladda iyo Mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here