Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamo milateri oo la wareegay waddooyin ku Yaal magaalada Muqdisho

Ciidamo milateri oo la wareegay waddooyin ku Yaal magaalada Muqdisho

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka oo kasoo baxay furimaha dagaalka deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta gudaha u soo galay Magaalada Muqdisho.
Ciidamada oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa xalay ku hoyday deegaano dhaca duleedka waqooyi ee Muqdisho.
Waxaa la sheegay in Ciidanka ay kasoo horjeedan muddo kordhinta Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage uu la kulmay Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadaas, uuna ka dalbaday inay dib ugu noqdaan aagaggii ay ka soo baxeen.
Wararka ayaa intaa kusii darayan inay guuldareysteen isku day la doonayay in Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka ee soo galay Magaalada Muqdisho dib loogu celiyo aagaggii ay ka soo baxeen.
Dad ku sugan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay arkeen ciidamo badan oo wata gadiidka nooca dagaalka ee Tiknikada oo ku sugan Isgoyska Fagax iyo waddooyin kale oo ka tirsan Kaaraan iyo Hiliwaa, waxaana la sheegayaan in Saraakiisha Ciidanka la hadli doonaan Warbaahinta oo loo yeeray.
Saacadihii lasoo dhaafay waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadeen Ciidanka Milateriga, waxaana la tilmaamay in Ciidankaas ah kasoo horjeedan muddo kororsiga Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments