Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in dhaqaale la’aan soo wajahday

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in dhaqaale la’aan soo wajahday

Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda xilgaarsiinta ee Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhaqaale yari soo wajahday dowladda, ka dib markii Sanadkii hore Beesha Caalamka ay joojisay dhaqaalihii ay siin jireen.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlayay kulan aaladda ZOOM-ka ayaa waxaa uu sheegay in Lacagtii lagu kabi jiray Miisaaniyada dowladda laga joojiyay,Bishii Siddeedaad ee sanadkii hore, ayna soo wajahday dhaqaale xumi dalka.
Waxaa uu sheegay Wasiir C/raxmaan Beyle in lacago ay horey u siiyeen dowladdaha Qatar iyo Sacuudiga ay dowladda Federaalka ku bixinaysay Mushaaraadka, islamarkaana lacagahaas dhammaadeen.
Waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay taageero dhaqaale siiyaan dowladdooda oo ay dalka yeeshaan isakana iloobaan in shisheeye waxa uu bixiyo lagu tiirsanaad.

Dadka falanqeeya Arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa qaba in dhaqaale xumida heysata dowladda Soomaaliya ay timid, kadib markii khilaaf ka dhex bilowday Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka taasoo sababtay inay dalal badan jartaan dhaqaalihii ay Soomaaliya ku kabi jireen ka dib siyaasadaha is diidan ee Soomaaliya ka jiray ilaa bilowgii Meesha laga saaray Xukuumaddii uu hogaaminayay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments