Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa beeniyay in mid ka mid ah howlwadeenada golaha shacabka uu ku lug lahaa weerarkii loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weerarray huteelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof, 30 kalena ay ku dhaawacmeen.
Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamad Cabdulle (Jaabiri) ayaa xaqiijiyay in kaarka aqoonsiga ah ee lagu soo bandhigay baraha intarneetka, lana sheegay inuu leeyahay mid ka mid ah raggii weerarka ka gaystay huteel SYL, uu yahay mid been abuur ah, isagoo sheegay in ninkaasi uusan ka tirsaneyn shaqaalaha Baarlamaanka.
Kaarka la helay ayaa waxaa ku qornaa qof lagu magacaabo Liibaan Maxamad Maxamuud oo shaqadiisu ay ahayd farsamo yaqaan katirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.
Arrintan ayaa ku soo aadday xilli darawalkii hore ee guddoomiyihii hore ee baarlamaaanka Soomaaliya, Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku biiray Al-Shabaab bishii Diseembar ee sanadkii 2022-kii
.