Faahfaahin ku saabsan weerarkii Shabaab ay ku qaadeen huteel SYL

0
292

Dowladda Soomaaliya ayaa weli soo afjarin weerarkii xalay lagu qaaday huteel SYL, halkaas oo ay xalay dabley ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen markii ay qaraxyo ku weerareen goobtaasi.
Ciidamada dowladda ayaa weli gudaha huteelka kula dhex dagaalamaya dhowr nin oo ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo ku guulaystay in badi raggii goobtaasi weerarray ay ciidamadu dileen.
Taliyaha ciidanka Haramcad Cabdixamiid Fanax, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamad Jimcaale iyo xildhibaan Cusmaan Yuusuf Xoosh ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta la xaqiijiyay inay ku dhaawacmen weerarka.
Waxaa jira mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah oo weli lagu la’ yahay weerarka, kuwaas oo xalay ku sugnaa gudaha huteelka.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkan, iyadoo ay dad badan ka soo badbaadeen huteelka markii ay ka boodeen darbiyada.
Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay la wareegeen gacanta ku haynta huteelka, iyagoo sheegay inay laayeen mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Waxay sheegeen in ay huteelka ay ku shirnsanaayeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.