Wariye Cabdikariim Axmad Bulxan oo lagu dilay magaalada Cabudwaaq

0
336

Wariye Cabdikariim Axmad Bulxan oo ahaa saxafi caan ah oo muddo dheer ka howlgeli jiray gobolka Galgaduud, ayaa lagu dilay degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Nin hubaysan oo ilaalo ka ahaa xarunta lagu quudiyo carruurta agoomaha, ayaa xabbad madaxa uga dhuftay wariyaha oo sidoo kale madax ka ahaa isla xarunta lagu dhex dilay.
Dhaawac halis ah oo ka
soo gaaray dhinaca madaxa ayuu xalay u geeriyooday.
Lama oga sababta loo dilay wariyaha, hase ahaatee warar aanu helnay ayaa sheegaya inuu jiray muran dhexmaray wariyaha iyo ninka ilaallada ka ahaa xarunta uu falku ka dhacay.
Cabdikariim Axmad Bulxan oo Cabudwaaq uga soo warrami jiray warbaahinta dowladda Soomaaliya, ma ahayn wariye kaliya, sidoo kale wuxuu caan ku ahaa howlaha samafalka iyo nabadda ee Caabudwaaq iyo guud ahaan deegaanada Galmudug.
Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ku baaqay in si degdeg ah cadaaladda loo horkeeno dambiilaha falkaas gaystay.