Golaha wasiirrada ee dalka oo taageeray dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha

0
161

Golaha wasiirrada ee dalka ayaa ayiday tallaabooyinka ay dowladda dhexe kula dagaallamaysa khamriga sharci darrada ka ah gudaha wadanka iyo noocyada kale ee maandooriyaha.
Tallaabooyinkan oo uu horay u shaaciyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa waxaa ka mid ah in muddo 21 cishe la hakiyay adeegsiga shatiyadii la siiyay shirkadaha soo saaro khamriga.
Sidoo kale waxaa meesha laga saaray leesimadii ay dowladaha ismaamullada siiyeen goobaha lagu caweeyo.
Shaqaalaha dowladda ayaa sidoo kale lagu amray in ay kala doortaan lahaanshaha goobaha lagu caweeyo iyo u adeegidda qaranka.
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa go’aamiyay in sarkaal kasta oo dowladeed oo ka soo horjeesta tallaabooyinka lagula dagaallamaya maandooriyaha uu ku xadgudbay cutubka 6-aad ee dastuurka dalka ee hufnaanta laga doonaya qofka mas’uulka ah.
Waxaa saraakiishan ka mid ah kuwa adeegga qaran ee booliiska ee NPS ,howlwadeennada maamulka qaran , shaqaalaha maamulka canshuuraha ee KRA , howlwadeennada waaxda taya dhowrka ee KEBS , laanta dacwad oogidda, saraakiisha waaxda faya dhowrka iyo kuwo kale.
Golaha wasiirrada oo kulan yeeshay shalay ayaa lagu wargeliyay in tan iyo markii ay wasaaradda arrimaha gudaha billowday dhaqangelinta tallaabooyinka la soo saaray , in albaabada loo laabay dhismooyin gaaraya 2,393 , 359 oo ah farmashiyada iyo 452 oo ah meelaha lagu iibiyo daawooyinka beeraha iyo xoolaha oo aan u hoggaansamin xeerarka degsan.
In ka badan 5,835 oo howlgallo ah ayaa tan iyo xilligaasi la sameeyay waxaana la qabtay 289,390 liitar oo isugu jirta khamriga sharci darrada iyo 13,198 liitar oo midda kontarabaanka ah.
Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay 7 markab oo gudbinayay daroogo iyo 3,603 xirmo oo xashiish ah.
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa qiray in ay korortay tirada dadka qabatimay khamriga iyo maandooriyaha kale.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa lagu amray in ay diyaariso nidaam dhammaan isbitaallada heerka shanaad ah ee dalka looga hirgelinaya qaybta lagu daryeelo dadka dhaqanceliska loo sameynaya.
Sidoo kale wasaaradda ayaa lagu amray in ay si dhow ula shaqeyso ismaamullada oo ay xaqiijiso in dowlad deegaan kasta uu leeyahay xarun dhaqancelin.
Wasaaradaha deegaanka, beeraha iyo tamarta ayaa lagu amray in ay qabtaan kulan u dhexeeya guddiyada kala duwan si loola tacaalo geedka ‘Mathenge’ ee ay soomaalidu u taqaano cali-garoobka.
Geedkan ayaa la sheegay inuu sameeyn ku yeeshay dhul daaqsimeedka iyo dhul beereedka 22 ismaamul iyo sidoo kale seeraha qaran.