Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dil naxdin leh oo Xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, ka dib markii Aabe 80 sano jir ah uu gacantiisa ku dilay wiilkiisii.
Aabaha waayeelka ah ee dilka u gaystay wiilkiisa ayaa yimid, ka dib markii ay dagaalameen isaga iyo wiilkiisa, waxaana la sheegay in odayga wiilkiisa uu ku dilay toogasho.
Waxaa aabaha magaciisa lagu soo koobay Qadar , iyadoo wiilkiisana lagu magacaabi jiray Maxamuud Qadar, waxaa la sheegay in khilaaf muddo soo jiray uu ka dhxewyey odayga iyo wiilkiisa khilaafkaas ayaana sababay in wiilkii uu Toorey u soo qaato Aabihiis.
Hasa ahaate aabaha ayaa qori guriga u yaallay ku toogtay wiilkiisa, sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen dad daris lahaa qoyskan.
Dilkan argagaxa leh ayaa dhacay Salaadii Maqrib ka dib xilligaas oo ay dadka intooda badan Afurayeen maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, waxaana dhacdadaan aad uga argagaxay ehelka qoyska reer Qadar iyo shacabka ku nool degmada Kaaraan oo maanta dhacdadan si weyn u hadal haayo.
Aabaha dilay wiilkiisa ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana haatan baadigoobaya ciidamada amaanka oo shacabka reer Muqdisho ugu baaqay in ciidanka ka gacan siiyaan soo qabashada Aabaha dilay wiilkiisii.