Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay inaan deegaanadooda laga soomanayn maanta oo ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxaa ay sheegeen in maanta ay dhameystirayaan 30-ka bisha Shacbaan.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee maamulka Puntland iyo mas’uuliyiin kale ayaa sheegay in maalinta Talaadada ah ee berri ku beegan ay u noqon doonto maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.
Xalay, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ka dib markii culimada wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ay Studiyaha Teleefishinta Qaranka Soomaaliyeed ay ku dhaariyeen Jamaal Axmad Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.
Inta badan dalka Soomaaliya waa laga soomman yahay maanta, waxaana jira deegaanada qaar oo aan laga soommanayn, kuwaas oo sheegay in wali aysan arkin bisha Ramadaan.