Dil toogasho ah oo maanta lagu fuliyay nin hooyadiis ku dilay Kismaayo

0
625

Waxaa Maanta fagaare ku yaalla magaalada Kismaayo lagu toogtay Xasan Cabdullaahi Cabdi oo sanadkii hore si bareer ah tooreey hooyadiis dhashay ugu dilay magaaladaasi ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna caasimadda Maamulka Jubbaland.
Maxkamada Darajadda koowaad ee Kismaayo ayaa xukunka dilka toogashada ah ku fulisay Xasan Cabdullaahi, kaas oo kal hore Maxkamadda ku xukuntay dilka, ka dib markii lagu helay inuu si bareer ah u dilay hooyadiis Xaliimo Maxamad Cumar.
Xasan ayaa ka hor qirtay Maxkamadda inuu dilka gaystay, waxaana ugu dambeyn maxkamadda ninkan dilka laga argagaxay ku fulisay xukunkii qisaasta ah.
Ninkan dilay hooyadiis ayaa ka mid ahaa dhallinyarada qurbaha ku soo koray dalkana dib loogu soo celiyay dhaqancelin ahaan, balse wannaagga hooyadiis la rabtay uu dhibsaday ayaa keentay inuu nolosha dhaafiyo.