Dab ka kacay suuqa ugu weyn ee Soomaaliya

0
232

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya Dab xooggan oo saaka aroortii hore xilligii salaadda subax ka kacay Xarumo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya.
Dabka ayaa ka kacay qaybta Cabadalla shideeye loo yaqaano, waxana ka dib jug weyn laga maqlay Gudaha suuqaasi.
Wararka ayaa sheegaya in walxo qarxa lagu xiray dhisme ku yaalla suuqa uu ka dhashay dabka.
Gaadiidka dab damiska ayaa gaaray goobta uu ka kacay dabka waxaana caqabad ku noqday goobo ganacsi oo laga dhistay Waddooyinka Dhexmara Suuqaasi.
Hase ahaatee Dabka ayaa si weyn u saameeyey xarun ganacsi oo lagu Magacaabo Jeexow oo Suuqaasi ku yaalla waxaana uu ku faafay dhismeyaal iyo Xaymo kale oo ganacsi kale, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku baaho qaybaha kale ee Suuqa.