Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho oo maanta xiran

Qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho oo maanta xiran

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay saaka xireen qaar kamid ah waddooinka muhiimka ah ee magaaladaasi, kuwaasoo loo diidayo inay isticmaalaan dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah wadada wadnaha, Wadada degmada Wadajir oo ka xiran dhanka Danwadaagaha iyo waddooyin kale.
Waxaa lagu arkayaa Ciidamada dowladda oo la soo sheegayo inay Meelaha Qaar dadka lugaynayo aan loo ogolayn inay ka gudbaan.
Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama hadlin xeritaanka waddooyinka Muqdisho lamana oga sababta ay Ciidamadu u Xireen Wadooyinka Magaalada Qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments