Wasiirka arrimaha gudaha oo laamaha amniga ku amray la dagaallanka maandooriyaha

0
221

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in soo saaridda , ka ganacsiga iyo isticmaalka khamriga sharci darrada ah iyo noocyada kale ee balwadda ay khatar ku yihiin amniga qaran.
Waxaa uu wacad ku maray in dowladda dhexe ay cirib tiri doonto dhibaatooyinkan.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay qayb ka tahay dadaallada lagu badbaadinaya nolosha mustaqbalka ee jiilalka soo koraya.
Xilli uu kulan la qaatay saraakiisha ammaanka iyo maamullada sirdoonka ee ismaamulka Kiambu ayuu wasiir Kindiki ciidamada ku amray in ay si wayn ula dagaallamaan soo saaridda, iibinta iyo isticmaalka maandooriyaha.