Maamulka NACADA oo 9 qof u xiray iibinta shiishadda

0
179

Maamulka ololaha qaran ee ka dhanka ah maandooriyaha ee (NACADA) ayaa xabsiga u taxaabay sagaal ruux oo ku eedeysan in ay goobaha kala ah Quiver Eastlands iyo Habanos Lounge ee ismaamulka Nairobi ku iibinayeen shiishadda.
NACADA ayaa maanta bayaan ku sheegtay in dadkan lagu xiray howlgal xalay la fuliyey.
Howlgalka ayaa lagu soo qabtay 78 ah qalabka shiishadda lagu isticmaalo iyo 126 xabbo oo ah waxyaabaha laga sameeyo.
Shakhsiyaadka la xiray ayaa isugu jiro maareeyaal , kuwo iibinayay iyo dad isticmaalayay shiishadda.
Eedeysanayaasha ayaa hadda lagu hayaa saldhigga booliiska ee Jogoo Road ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Maamulka NACADA ayaa tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii hore sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah maandooriyaha waxaana howlgallo kala duwan oo laga sameeyay goobaha lagu caaweeyo ee ismaamullada Nairobi iyo Mombasa lagu xiray in ka badan 60 qof.
Xeerka caafimaadka dadweynaha ee la soo saaray sanadkii 2017-kii ayaa gudaha Kenya looga mamnuucay in wadanka la soo geliyo, lagu dhex sameeyo, lagu dhex iibiyo , isticmaalka , qaybinta iyo xayeysiinta shiishadda.
Shiishadda ayaa horay looga mamnuucay dalalka Bariga Afrika sida Uganda, Tanzania iyo Rwanda.