Waxaa la filayaa in dalka Masar ay maanta dib uga billowdaan wada hadallada nabadeed ee ku aaddan in ay xabbad joojin ka dhaqan gasho Qaza.
Hasa ahaate waxaan faahfaahin dhameystiran laga hayn suurtagalnimada la xiriirta in la gaari karo heshiis xabbad joojin oo shaqeyn karo wax ka badan muddo 6 toddobaad ah.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu sheegay inuu rajeynaya in maalmaha nagu soo aaddan la gaaro heshiis xabbad joojin.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo ay weli socdaan duqeymaha militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza.
Waxaa xalay weerarro laga soo tabiyay magaalooyinka Rafah, Deir el-Balah iyo Khan Younis.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) , Tedros Adhanom ayaa weerar ay Israa’iil horay ugu dishay 11 qof oo ka mid ahaa dad hooy ka dhiganayay teendooyin magaalada Rafah ku tilmaamay fal aad loo dhibsado oo aan xita laga hadli karin.