Uhuru Kenyatta iyo Kalonzo Musyoka oo ka tacsiyadeeyay geerida Cali Xasan Mwinyi

0
143

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa tacsi u direen dowladda iyo shacabka wadanka Tanzania ka dib markii uu geeriyooday madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Xasan Mwinyi.
Uhuru Kenyatta ayaa madaxweynihii hore ee Tanzania ee geeriyooday ku tilmaamay shakhsi uu hoggaankiisa door muhiim ah ka qaatay ballaarinta dhaqaalaha Tanzania.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Cali Xasan Mwinyi uu adeegsan jiray xeerar wanaajiyay nidaamyada waxbarasho iyo caafimaad ee dalkaasi.
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in mas’uulkan hore uu sidoo kale dadaal ku bixiyay isdhexgalka gobolka , dib u heshiisiinta iyo door firfircoon oo uu ka qaadan jiray dhexdhexaadinta dhinacyada ay isku dhacyadu ka dhexeyeen ee gobolka Bariga Afrika.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Mwinyi uu sidoo kale kaalin ku lahaa xoojinta dibloomaasiyadda gobolka.