Madaxa ololaha iyo xeerarka baniaadannimo ee Hay’adda badbaadinta carruurta ee Save the Children ,Alexandra Saieh ayaa sheegtay in hadda carruurta Qaza loo dilaya si wadar ah.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in dhanka Waqooyi ay fuuq-bax ugu dhinteen 6 carruur ah.
Carruurtan oo sidoo kale wajahayay nafaqo darro ayaa ku geeriyooday isbitaallada Kamal Adwan iyo Al-Shifa .
Sidoo kale waxaa xarumahan ku jiro carruur ay xaaladooda caafimaad liidato.
Dhanka kale Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn ayaa sheegtay in hannanaka daryeelka caafimaad ee Qaza uu guud ahaan burburaya maadaama la weeraray.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha Israa’iil ay ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 29,954 qof halka la dhaawacay 70,325 kale.




