Ciidamada militariga ee dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si wadajir ah duqeymo ugu bartilmaameedsaday kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Waxay sheegeen in ay weerareen ilaa 18 goobood oo ay kooxdan leedahay .
Howlgallada ayaa isugu jiray kuwo dhanka dhulka ah iyo sidoo kale hawada.
Xuutiyiinta ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay weerarayey maraakiibta adeegsanaya Badda Cas.
Waxay wacad ku mareen in ay weerarrada ka dhanka ah maraakiibtan sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay Israa’iil ka soo afjaraysa duqeymaha militari ee Qaza.